(Hortabin Media) -Kooxda Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, iyagoo si joogta ah u beegsanaya ciidamada dalka Kenya, kuwaas oo ay inta badan khasaare ka soo gaarto weerarada Al Shabaab.
Toddobaadkan gudihiisa Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Ciidamada Kenya oo marayey deegaanno hoostaga ismaamulka waqooyi galbeed ee Gaarisa.
Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Al Shabaab, waxaana dagaalka uu ka dhacay meel u dhaxeysa deegaanada Dhadhaab iyo Xagardheer.
Warbaahinta Al Shabaab ayaa daabacday in weerar gaadmo ah ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan gaadiid ay la socdeen ciidamada Kenya, waxeyna sheegeen in khasaare xoog leh ay gaarsiiyeen, balse sheegashadaasi ilaa hada cid Al Shabaab ka madax bannaan oo xaqiijisay ma jirto.
Al Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore ka dhawaajisay in ay sare u qaadayaan weerarada ka dhanka ah ciidamada Kenya, kuwaa oo sida ay sheegeen garab siinaya dowladda Soomaaliya, waxaana arrintan ay kordhineysaa walaaca ka oogan gudaha dalka Kenya.