Waxaa shalay iyo maanta si weyn loo adkeeyey amniga magaalada caasimada ee Muqdisho, arrintaas oo si aad ah loo dareemayo.
Sababta amniga loo adkeeyey ayaa lagu macneeyey, cabsi ku wajahan, weeraro macquul ah in ay caasimada ka dhacaan, kuwaas oo la hadal hayey maalmahan.
Wadooyinka ayaa lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah oo lagu kordhiyey baraha Koontorool ee lagu baaro gaadiidka, waxaana shalay iyo maanta shaqeynaya ciidamadii ugu badnaa.
Dalalka safaaradaha ku leh Soomaaliya, ayaa toddobaadkii la soo dhaafay muujiyey cabsi amni, taas oo sii kordhisay walaaca dhanka amniga ee ka taagan caasimada, waxaana si aad ah loo xoojiyey amaanka xarumaha muhiimka ah, si Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha, Dekadda, Wasaaradaha, Safaaradaha, iyo goobaha kale ee ay bulshadu isugu timaado sida Xeebta Liido.