Sida ay warbaahinta adduunka baahisay, waxaa koonfurta Gaza Israa’iil looga dilay 8-askari oo ka mid ah kuwo xasuuqa ka wado marinka GAZA.
Geerida 8-askari waxaa xaqiijiyey milatariga Israa’iil, oo iyagu weli ku sii siqaya gudaha iyo hareeraha Magaalada Koonfureed ee Farax,halkaas oo ah meesha ay ka taagan tahay xaaladda ugu adag
Askarta Israa’iiliyiinta ee la dilay ayaa ka tirsanaa cutubka injinneeriyada, kuwaas oo gaari ay la socdeen oo ahaa kuwo gaashaaman lagu dhuftay walxaha qarxa, halkaasina ay ka dhalatay geerida 8-daasi Askari.
Weerarka lagu beegsaday Ciidamada Israa’iiliyiinta ah ayaa ka dhacay aagga Tel Al-Sultan ee galbeedka Rafax, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Israa’iil ee ku sugan GAZA.
Xamaas ayaa iyaduna guul ka sheegatay weerarkan, waxeyna xuseen in qaraxa miino ah ay la beegsadeen gaarigii ay la socdeen askartan Israa’iiliyiinta ah.