Saacadihii ugu danbeeyey waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay falal lidi ku ah amniga, inkastoo qaarkood ay ka jawaabeen hay’adaha amniga.
Xubno ka tirsan Al Shabaab oo watay gaariga loo yaqaan CAASIGA, ayaa weeraray guri uu degnaa nabadoon lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan, kaas oo hoygiisa uu ku yaalla degmada Dayniile.
Kooxda ayey u suuragashay in ay dilaan Nabadoonka, inkastoo markii danbe gacanta lagu soo dhigay qaarkood, halka kuwo kalana la dilay.
Sidoo kale waxaa Muqdisho lagu dlay Gaashaanle Cabdullaahi Cali Calasow (Madaxey) oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana dilkiisa uu ka dhacay Degmada Kaaraan.
Kooxihii dilka u geystay sarkaalka ayaa baxsaday, iyadoo ilaa iyo iminka aysan ka hadlin laamaha amniga dowladda Fedraalka Soomaaliya.
Dhanka kale qarax Miino ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir, waxaana lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwo xasilinta caasimada.
Inta la ogyahay qaraxa Miino waxaa ku dhawaacmay 4 qof oo mid ka mid ah uu yahay askartii gaariga saarnayd, halka dadka kalana ay ahaayeen kuwo rayid ah oo goobta ka agdhawaa.
Falalkan lidiga ku ah amniga ayaa cabsi badan ku abuuray dadka rayidka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, waana arrin bidhaamineysa in aan weli la xaqiijin amniga Magaalada.