Saturday, July 6

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ee dalka Cumaan Danjire Bashiir Xasan Xaaji ayaa Maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo waxaa ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Saldanada Cumaan Badr bin Hamad Al Busaidi.

Danjire Bashiir Xasan ayaa uga Mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Cumaan sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna u gudbiyey salaan uu uga waday Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Ahmed Macalin Fiqi,

Danjire Bashiir ayaa u sheegay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Cumaan, inuu sii xoojin doono xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaliya iyo Saldana Cumaan.

Exit mobile version