Wararka ka imaanaya Magaalada Gaarisa ee waqooyi galbeed dalka Kenya ayaa sheegaya in 24-saac ee la soo dhaafay ay go’doonsanaayeen deegaanno hoostaga magaaladaasi.
Deegaanada go’doonsan ayaa waxaa ka mid ah magaalada Danyere ee ka tirsan maamulka Garissa, waxaana roobabkii da’y ay xireen waddooyinka soo galayey, magaaladaasi
Roobabka ka da’y magaalada oo ahaa kuwa aad u xooggan ayaa sababay in uu daadku qaado halkii buundo ee u furneed, taas oo sida dadka deegaanku sheegayaa uu la tagay webiga mara magaaladaasi.
Dadka ku dhaqan Danyere oo la hadlay warbaahinta ayaa wal wal ka muujinaya xaaladda culus ee ay qaabilayaan, waxaana hakaday guud ahaan noloshii halkaasi ka jirtay
Sidoo kale Boqollaal arday ah oo farisan lahaa imtixaanka qaran ee dugsiga sare ayaa waxaa ay ku xanniban yihiin guduha magaalada Danyere, kamana qeyb qaadan karaan Imtixaanka .
Xaaladda go’doonka ah ee ay ku sugan tahay magaalada Danyere, ayaa sababtay in la waayo quutul daruurigii, maaddaama aanay gaadiidka iyo dadkuba gaari karin magaalada.
Dadkan oo isugu jira Odayaal, haween iyo caruur, ayaa dalbanaya in maamulka Gaarisa uu ka fekiro qorshihii lagu soo gaarsiin lahaa cunno, si aanay xaaladooda uga sii darin.