Sida ay tabinayaan warbaahinada Caalamka Dowladda Denmark ayaa la filayaa in ay maxaabiis u dirto Dalka Kasova oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan Yurub.
Maxaabiista ay Denmark u direyso Kosova ayaa gaaraya ilaa 300- boqol oo maxbuus, waxaana Kosova taa baddelkeeda ay heli doontaa 210 Milyan oo dollar.
Durba xabsi ku yaalla gudaha bariga Kosova ayaa la baneeyey, waxaana lagu baddeli doonaa maxaabiista ajnabiga ah ee laga soo qaadi doono dalka Denmark.
Maxaabiistan ayaa ah kuwo denbi ka galay gudaha dalka Denmark, waxaase xukunkooda kadib la filayey in la masaafuriyo, balse waxey waqtigan xabsi ku qaadan doonaan gudaha Kosova
Arrintan waxaa walaac ka muujiyey hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo sheegay in ay diiwaan-geliyaan xadgudubyo badan oo ka dhacay xabsiga dalka Kosova.