Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal aad u ballaaran ka fuliyey deegaano hoostaga Jilib Marka ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al Shabaab.
Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada booliska ee loo yaqaan Haram-cad iyo kuwa Nabad Sugida Soomaaliya ayaa laga fuliyey inta u dhaxeysa deegaanada Jilib Marko iyo Buulo Nagey.
Inta uu howlgalkan socday ciidamada dowladda ayaa bur buriyey fariisimo ay Al Shabaab ku lahaayeen Tuulooyin lagu magacaabo Macalin Yuusuf, Nafaqow iyo kuwo kale, oo dhamaantood hoostaga deegaanka Jilib Marka.
Deegaanada howlgalka laga fuliyey ayaa ka mid ah meelaha ay ku xooganayeen Al Shabaab, waxaana deegaanadan ugu yaalay Saldhigyo waa weyn.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mudooyinkii ugu danbeeyey ay gacanta ku dhigeen deegaano iyo degmooyin gaaraya 20- kuwaas oo horey ay uga arrimin jireen Al Shabaab.