Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safar isugu Jira kormeer iyo dhiiri gelin ugu tegay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga oo ku sugan Xerada Arbacow ee Gobalka Shabeellada Hoose.
Taliyaha ayaa Ciidanka u sheeegay in la doonayo in kaalin mug leh ay ka qaataan la dagaalanka Khawaarijta isagoo saraakiisha iyo askarta faray in sare loo qaado howlgalka lagu baacsanayo Argagaxisada ee ka socda Shabeellada Hoose.
Maalmihii ugu danbeeyey ciidamada dowladda ayaa howlgala ka waday deegaanada Shabeelaha Hoose ee dariska la ah caasimada Muqdisho.
Goobahan ayaa ah meelaha ay inta badan Al Shabaab ka soo qaadaan weerarada, waxaana howlgaladan ay noqonayaan kuwo lagu cirib tirayo maleeshiyada halkaasi ku dhuumaaleysaneysa.