Isra’iil ayaa maanta soo furatay 4-maxaabiis ka mid ah, kuwii laga heystay, waxaana howlgalka lagu soo furtay maxaabiistan uu ka dhacay xerada qaxootiga ee Nuseirat oo ku taalla bartamaha Qasa.
Israa’iil howlgalkan ay maxaabiista ku soo furatay waxaa ku geeriyooday oo ay dileen Falastiiniyiin ay tiradooda ku sheegeen 210 rayid ah.
Waxaa xusid mudan in dadkaasi ay u badan yihiin Caruur iyo haween, iyadoo howlgalkan ay ku dhaawacmeen 400 oo rayid ah, kuwaas oo aan waxba galabsan.
Sida la shaaciyey howlgalkan waxaa Israa’iil ka caawisay Mareykanka, oo sheegay inuu door weyn ka qaatay in maxaabiistan la soo furto.
Dhanka kale Ururka Islaamiga ee Xamaas ayaa sheegay in aan guul lagu tilmaami karin maxaabiista la soo furtay, waxeyna xuseen in Israa’iil aysan wax tallaabo ah qaadin 8-bilood oo uu dagaalku socdo.