(Hortabin Media) – Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay xoojiyeen sirdoonkooda, isla markaana ay helayaan xogo badan oo ku aaddan goobaha ay Al Shabaab uga dhuumaaleysanayaan deegaanada Waqooyi Bari Kenya.
Hadalkaan ayaa ka soo yeeray dowladda Kenya kadib markii dhawaan ay ciidamada Kenya weerareen deegaano hoostaga ismaamulka Gaarisa, oo ay saldhig ku lahaayeen kooxda Al Shabaab.
Ciidamada booliska Kenya ayaa weerarkan ku qaaday deegaanka Dabalwein oo ku dhaw Ijara ee ismaamulka magaalada Garissa, halkaas oo ku sugnaayeen xubno Al Shabaab ah.
Sida ay sheegeen saraakiisha amniga Kenya, weerarkaasi ayaa lagu dilay hal dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al Shabaab, iyadoo sida ay tilmaameen lagu dhaawacay tiro kale, oo aan la xajiijin caddadooda.
Weerarkan ayaa sidoo kale lagu soo furtay hub iyo agab caafimaad oo yaalay saldhiga Al Shabaab ee la weeraray, sida ay xaqiijiyeen ciidamada Kenya.
Saraakiisha amniga Kenya ayaa warbaahinta la wadaagay in weerarkaasi ay ku soo furteen sadex qori oo AK47 ah, 90 xabo oo rasaas ah, dawooyin caafimaad iyo agab kale oo ay isticmaalayeen kooxda Al Shabaab, ee ku sugnaa deegaanka Dabalwein oo ku dhaw Ijara ee ismaamulka magaalada Garissa.
Mudooyinkii ugu danbeeyey, waxaa xoogeysanayey weerarada ay kooxda Al Shabaab, ka fulineyso gobolka waqooyi bari Kenya, waxaana weerarada badankood ay la beegsadeen ciidamada dowladda Kenya.