(Hortabin Media) – Gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka waqooyi bari, oo ah kan ugu daran, ayey si xooggan u saaameeyeen daadadka ka dhashay roobka deyrta, waxaana xaalad halis ah wajahaya dad badan oo Kenyan ah.
Madaxweynaha Xafiiska fadhiya Ruto, oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in waqtigan ay xoogga saarayaan sidii ay u samati bixin lahaayeen dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta.
Madaxtooyada Kenya ayaa sheegay in 36,160 qoys, ay ku barakaceen daadadka ka dhashay roobabkii is xig xigay ee da’y, waxeyna tilmaameen in badi dadkaasi ay waayo adag qaabilayaan.
Daadadka saameeyey gudaha Kenya oo khasaare kala duwan gaystay ayaa inta ay dowladda Kenya xaqiijisay waxaa ku geeriyooday dad gaaraya 70 qof, kuwaas oo ay biyuhu ugu tageen aqaladooda.
Dowladda Kenya oo ka jawaabeysa xaaladda culus ee taagan ayaa carabka ku dhufatay in ay diyaarisay dhaqaalle gaaraya 2.4 bilyan oo shilinka Kenya ah (ku dhawaad 16 milyan oo doollar) taas oo gargaar loogu fidinayo dadka ay daadadku saameeyeen.