Saturday, July 6

Waxaa maalinimadii shalay ahayd uu qarax ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana qaraxaasi uu geystay khasaare kala duwan.

Qaraxan ayaa lala eegtay askar ka tirsan milatariga Soomaaliya, kuwaas oo ku sugnaa goob u dhaw saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin duleedka galbeed ee Baledweyne.

Wararka soo kordhay ayaa sheegaya in qaraxaasi oo dhacay galinkii danbe ee shalay uu sababy geerida 4 qof oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan kuwo xoogga Soomaaliya.

Gudoomiyaha maamulka magaalada Baledweyne Cumar Calasow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaladda ay iminka dagan tahay, waxaana socda howlgalo lagu baadi goobayo kuwii falkaasi ka danbeeyey.

Gudaha Baladweyne waxaa inta badan ka dhacay weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo ay masuuliyadiisa sheegato kooxda Al Shabaab.

Exit mobile version