Saturday, July 6

Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogeysanaya dagaal beeleedka ka socda gobolka Mudug, kuwaas oo u dhaxeeyo beelo walaalo ah oo daris ah.

Dagaalkan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa si toos ah uga socda deegaano hoos taga Afbarwaaqo ee gobalka Mudug.

Dhinacyada dagaallamaya oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan waxaana dagaalku uu sababay barakac aad u baahsan.

Ilaa iyo iminka inta la ogyahay dhimashadu waxa ay gaareysaa ilaa 10 qof, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay, welina ma jirto cid kala dhex gashay beelaha dagaallamaya.

Xubno ka tirsan Masuuliyiinta Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku kala qaboojinayaan dhinacyada.

Exit mobile version