Kuuriyada Waqooyi ayaa ku guuldareysatay Gantaal nuuca riddada dheer oo ay tijaabisay sida ay warbaahinta caalamka la wadaageen militariga Kuuriyada Koonfureed, oo arrintaasi xaqiijiyey.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa maalmo kooban kadib markii markab Mareykan ah uu tagay Kuuriyada Koonfureed si uu Japan iyo Kuuriyada Koonfurteed ula sameeyo dhoolatus cusub oo military.
Bayaan ka soo baxay Taliska guud ee ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay, in Kuuriyada Waqooyi ay gantaal ballistic ah ka soo tuurtay caasimadeeda, waxaana fashilmay qorshihii gantaalkan oo loo ganay dhanka biyaha bari ee Waqooyiga Kuuriya
Wasaaradda Difaaca ee Japan ayaa sheegtay in ay sidoo kale ogaatay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday gantaalka ballistiga ah, waxaana xusid mudan in labada dal aysan faah faahin ka bixin Gantaalkan ay sheegeen in ay soo tuurtay Kooriyada Waqooyi ee fashilmay.