Saturday, July 6

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa ka ka hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta midawga afrika, oo dalka ka baxaya dhamadka sanadkan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo qorshahaasi, wuxuuse dhanka kale xusay in loo baahan yahay diyaar garow culus, si masuuliyada amniga loo qaado.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in weli aysan jriin abaabulkii loo baahnaa, kaas oo suura galin karay in ciidamada Soomaaliya ay ku filnaadaan amaanka dalkooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu jiro gaabis.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa yimid xilli uu dar dar ku socdo qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS, waxeyna dhawaan wareejiyeen saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Cabdale Biroole, iyagoo masuuliyada amni ku gacanta u galiyey ciidamada Daraawiishta Jubaland.

Exit mobile version