Dowladda Mareykanka ayaa waqtigan dalka Turkiga ka iibineysa Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka oo uu Turkigu si aad ah ugu baahan yahay, isla markaana uu kal hore Mareykanka ka dalbaday in laga iibiyo.
Dhinacyada ayaa iminka heshiis ku kala saxiixday Ankara, kaas oo soo de dejinaya in Turkiga laga iibiyo diyaaradaha F-16, waxaana si fool ka fool ah isku arkay wafuud labada dhinac ka socota.
Washington ayaa oggolaatay heshiiskan oo ku kacaya 23 bilyan oo dollar, waxaana uu yimid ka dib bilo wada xaajood ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga.
Heshiiskan ayey ku cadahay in Turkiga uu heli doono 40 diyaaradood oo cusub oo ah F-16 iyo in loo casriyeeyo ilaa 79 ka mid ah diyaaradaha dagaalka, waxaana tallaabadan bogaadisay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo sheegtay in diyaaradahan laga iibinayo xulafada ama jaalka ugu dhow Mareykanka.
Mareykanka hakineysay ajiibitaanka heshiiska ilaa inta Turkigu ka ansixinayo xubinimada Sweden ee NATO, oo Hal sano dib u dhacday, taas oo ka careysiisay reer galbeedka oo doonayey in ay u midoobaan ruushka oo duulaan ku ah Ukraine, balse Turkiga ayaa bishii Janaayo ee sanadkan ansixiyey, waana tan fududeysay in Mareykanku uu xilligan Turkiga ka iibiyo diyaaradahan dagaalka.
Si kastaba waxaa dib u dhacay kulan la qorsheynayey in bishii la soo dhaafay ay yeeshaan Erdogan iyo Joe Biden, waxaana kulankan oo noqon lahaa koodii ugu horeeyey ee ka dhaca Aqalka Cad uu u baaqday arrimo la xiriira jadwallada labada dhinac, waxaase qasab noqon doonto in waqtiyada soo dhaw ay kulan yeeshaan si arrimahan loo dhaqaajiyo.