Saturday, July 6

Dowladda Jabuuti ayaa jawaab cad ka bixisay eedeyn uga timid Madaxweynaha Maamulka Somaliland, kaas oo sheegay in Jabuuti lagu aas aasayo Jabhad ka shaqeyneysa kala dhantaalida Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in arrintaasi aysan ka filaneyn Jabuuti, wuxuuna xusay in tallaabadaasi ay xasilooni darro ku soo kordhin karto gobolka.

Jabhadan ayuu sheegay in ay isku abaabuleyso sidii ay gacanta Somaliland uga bixin lahayd gobolka Awdal, waxuuna hoosta ka xariiqay in maalmihii ugu danbeeyey xubnaha Jabhadaasi ay kulamo ku yeelanayeen gudaha Jabuuti.

Hadal Muuse Biixi Cabdi Waxaa ka jawaabay Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, kaas oo eedaasi ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa X Ex Tiwitter.

Wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti aanay faragelin danaha Jaarkooda, wuxuuna xusay in ay dowladooda ay u taagan tahay ka shaqeynta nabada gobolka.

Exit mobile version