Waxaa maalintii shalay ahayd la soo gebagabeeyey doorashada baarlamaanka Yurub oo socotay saddexdi maalin ee lasoo dhaafay, waxaana doorashada ka qeyb qaatay Codbixiyaasha ilaa 21 waddan oo ka tirsan Midowga Yurub oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalka.
Sida la filayo Natiijada ka soo baxdo doorashadan ayaa lagu wadaa in golaha baarlamaanka Yurub ay u jiiddo jihada midigta, isla markaana ay sare u qaaddo tirada dadka aaminsan mabaad’ida waddaniyadda ee qowmiga ah ee reer Yurub.
Ujeedka doorashada ayaa noqon doonta mid haga Midowga Yurub oo ah dallad ay hoos harsadaan ilaa 450 milyan oo ruux, waxaana door weyn la siin doonaa, sidii midawga yurub ay uga lib keeni lahayd loollanka wax soo saarka Shiinaha iyo Mareykanka iyo isbaddalka cimmilada.
Doorashadan ayaa la sadaalinayaa in ay guul ka soo hoyaan Kooxaha Midigta fog, waxaana doorashadan codkooda dhiibanaya dad gaaraya Ilaa 400 oo milyan oo qof.