Saturday, July 6

Safaarada Israa’iil ee Dalka Serbia ayaa waxaa weerar ku qaaday nin ku hubeysnaa gammuun ama leeb, wuxuuna dhaawac gaarsiiyey mid ka mid ah ilaalada safaaradaasi.

Askari weerarkan ku dhaawacmay ayey usuura gashay inuu dilo ninkii weerarka soo qaaday, waxaana goobta ku soo xoomay ilaaladii kale ee safaarada iyo booliska magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia oo ah halka ay safaaradu ku taallo.

Ivica Dacic oo ah Wasiirka arrimaha gudaha dalka Serbia, ayaa xaqiijiyey in la dilay ninkii weerarka soo qaaday, kaas oo sida uu sheegay dhaawac gaarsiiyey mid ka mid ilaalada safaarada.

Wasiirka ayaa sheegay in qoorta leeb looga dhuftay askarigii ilaalada ka ahaa safaarada Israa’iil ee Serbia, wuxuuna xusay in ay baarayaan sababta ka danbeysay isku dayga uu ninkaasi sameeyey.

Wasiirka arrimaha Gudaha Serbia ayaa weerarkan argagax ka muujiyey, wuxuuna ku tilmaamay mid lagu qal qal galinayo amniga magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia.

Weerarkan ayaanan geysan khasaare intaasi ka badan, sida aan ka soo xiganay Wakaaladda wararka Serbia ee Tanjug , taas oo sheegtay in ay bad qabaan dhamaan shaqaalihii kale ee Safaarada.

Dhanka kale Dowladda Israa’iil ayaa xaqiijisay dhab ahaanshaha weerarkan, waxeyna ku tilmaantay mid argagixiso, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Isra’iil.

Exit mobile version