(Hortabin Media) – Qaramada Midoobay ayaa si xooggan u canbaareysay weerarkii hoobiyayaasha ahaa ee shalay lagu weeraray xarunta Xalane, oo ku dhaw garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Weerarkaasi hoobiyayaasha ahaa ee lagu tuuray Xalane, ayaa waxaa ku geeriyooday xubin ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Xalane.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing. ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskeeda waxa ay aad u dhaleeceysay weerarkaasi.
Catriona Laing ayaa tiri” Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo badqabka shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya, kana shaqeeya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu yiri” Waxaan cambaareyneynaa falkan xadgudubka ah, damiirkeenu waxa uu la jiraa qoyska iyo asxaabta dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag”.
Tiro hoobiyayaal ah ayaa habeenkii khamiista ee aynu ka soo gudubnay lala eegtay gudaha iyo agagaarka xerada Xalane, oo ay arrimo diblomaasiyadeed u dagan yihiin dalalka taageera Soomaaliya.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in caddaalada la horkeeno kuwii ka danbeeyey falkan, waxaana Qaramada Midoobay weli ka go’an in ay taageerto Soomaaliya, sida lagu xusay qoraalka Qaramada Midoobay ka soo baxay.
Kooxda Al Shabaab ayaa weerarkan hoobiyayaasha ah masuuliyadiisa sheegatay, iyadoo xustay in ay ku dishay ajaanib badan oo ku sugnaa gudaha xarunta Xalane.