William Ruto Madaxweynaha Kenya ayaa si cad ugu dhawaaqay inuu ka laabanayo sharcigii maaliyada iyo canshuuraha ee xiisada badan ka dhaliyey gudaha Kenya.
Sharcigan oo canshuur kordhin salka ku hayey ayaa sababay dibadbaxyo aad u fara badan, waana arrinta keentay in Ruto uu ku dhawaaqo inuu ka noqday sharcigaasi.
Ruto ayaa sheegay in ka laabashada go’aanka ay ku qasabtay dareenka ay muujiyaan dadka Kenya, kuwaas oo aanan raali ka ahayn sharcigan.
Dibadbaxyadii ka dhacay gudaha Kenya ayaa geystay khasaare aad u fara badan, waxaana inta la ogyahay ku geeriyooday 22 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.