Ciidmada ilaalada Xajka ayaa Xabsiga u taxaabay ugu yaraan 14 qof oo u dhashay waddamada Hindiya, Masar, Pakistan iyo Indonesia kuwaas oo lagu eedeeyay inay xayaysiinayeen kaararka aqoonsiga Xajka oo been abuur ah,
Sida ay shaacisay shabakadda wararka Xaramka ee Inside Haram.Dowladda Sacuudiga ayaa soo xirtay shakhsiyaadkan lagu eedeeyay iibinta kaaararka been abuurka ah, iyada oo sheegtay inay Sacuudiga ku joogeen dal-ku-gal booqasho, sida lagu oggaaday baaritaanadii la sameeyey.
Kal hore Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in shakhsiyaadka lagu qabto musuqmaasuqa Xajka ay muteysan doonaan xarig, musaafurin, ganaax lacageed, maxkamadeyn iyo la wareegid hantidooda, waana waxyaabaha ay wajihi dooonaan eedeysanayaashan haddii lagu helo denbiyada loo heysto.
Waqtigan in ka badan 1.3 milyan oo Xujey ah ayaa gaaray Boqortooyada Sacuudiga, waxaana ilaalada Xujeyda ay ka digeen in xujeydu ay waajibkooda gutaan iyagoo aanan wadan aqoonsigooda, taas oo ka hor tageysa in lagu dhex dhuunto.