Saturday, July 6

Wada hadalo ayaa dalka Turkiga uga furmay Soomaaliya iyo Itoobiya oo bilihii ugu danbeeyey uu u dhaxeeyey khilaaf ka dhashay heshiis dhanka badda ah oo ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Waxaa Ankara isugu tagay Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo xaliyo khilaaf mudooyinkan soo jiitamayey, waxaana wada hadaladan garwadeen ka ah dowladda Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa dhinacyada ku caddaadisay kulankan, waxaana kalsooni buuxda ay ku qabtaa in ay xalin karto tabashada jirta.

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmay wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Hakan Fidan, kaas oo Xasan Sheekh u sheegay inuu aqbalo in Soomaaliya ay la fariisato Itoobiya.

Inkastoo wada hadalo fool ka fool ah aysan yeelan, haddana Kenya ayaa kal hore ku guuldareysatay in ay xaliso khilaafka labada dowladood, waxaase laga dhursugayaa natiijada ka soo baxda shirka Ankara ee uu Turkigu garwadeenka ka yahay.

Exit mobile version