Saacadihii ugu danbeeyey waxaa maxaabiis is dhaafsaday dowladaha Sweden iyo Iran, waxaana maxaabiistan ay kala heysteen sanado badan.
Sida warbaahinta caalamku tabinayaan Dowladda Sweden ayaa sii deysay sarkaal hore oo Irani ah oo lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa dil wadareed dhacay sanadihii 1980-meeyadii, waxana Iran si la mid ah ay sii deysay labbo qof oo Swedish ah oo maxaabiis u ahaa.
Dowladda Cumaan ayaa Isdhaafsiga maxaabiistan garwadeen ka ahayd, waxaana dowladda Cumaan bayaan ay soo saartay ku sheegatay libinta is dhaafsiga maxaabiistan, oo si weyn ay uga shaqeysay, isla markaana dadaal badan ay ku bixisay.
Muwaadiniintan la is dhaafsaday ayaa laga soo kala wareejiyey Tehran iyo Stockholm sida lagu sheegay bayaanka ay soo saartay Dowladda Cumaaan.
Noury oo ah maxbiiska laga hayey Iran ayaa si nabad ah ku tagay Iran, halka Johan Floderus iyo Saciid Caziizi oo iyagana u xirnaa Iran ay gaareen Sweden iyagoo bad-qaba.