Waxaa shil diyaaradeed ku geeriyooday taliyihii ciidamada milateriga ee dalka Kenya General Francis Ogolla, kaas oo ay bur burtay diyaaradii uu la socday.
Taliyaha ciidamada milateriga ee dalka Kenya waxaa la geeriyooday sagaal qof oo kale, kuwaas oo gabi ahaantoodba ku geeriyooday shilkaasi diyaaradeed.
Diyaarada oo ahayd nooca sida qumaatiga u kaca ah, ayaa ku bur burtay agagaarka Rift Valley, waxaana shilkaasi ka badbaaday labo ruux, kuwaas oo iminka xaaladooda lala tacaalayo.
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo qeybaha warbaahinta la hadlay ayaa shilkan ku macneeyey mid musiibo ah, wuxuuna taliyaha geeriyooday ku tilmaamay mid ka mid ah taliyayaashii ugu wanaagsanaa Kenya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhiggeeda Kenya uga tacsiyeysay geerida Taliyihii Ciidamada Kenya General Francis Ogolla kadib warqad ka soo baxday Wasaarada Difaaca Soomaaliya.