Saturday, July 6

Waxaa fashil ku soo gabagaboobay wada hadal dhawaan u furmay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Turkiga.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in wada hadaladiisa ay socon waayeen, waxaana lagu soo kala tagay shirkii Ankara ka furmay.

Qoddobada ugu waa weyn ee ay dhinacyadu isku diideen ayaa ahaa Heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland, kaas oo ay si cad Itoobiya u shaacin weysay in ay ka laabtay.

Mowqifka dowladda oo isaguna adkaa, ayaa sababay in shirka lagu soo kala tago, waxaana qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibadda uu u qornaa sidatan “Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah, maadaama ay Dawladda Soomaaliya meel adag ka taagantahay qadiyadda la xiriirta ilaalinta midnimada iyo madax-banaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeedka wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga,”

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa. Gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dawladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharci darrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan,”

Turkiga oo dhinacyada caddaadis ku saareysa in ay xaliyaan khilaafkan diblomaasiyadeed, ayaa  wada hadalada labada dal mar kale marti galin doonta, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo warbaahinta la hadlay, isagoo garbihiisa ay taagan yihiin labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Exit mobile version