Saturday, July 6

Waxaa maanta Fagaaraha Daljirka daahsoon lagu qabtay xuska munaasabada Kowda luuliyo oo ah 64-sano guuradii ka soo wareegtay markii ay gobolada koonfureed xornimada ka qaateen gumeystihii talyaaniga iyo is-raacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasabadan oo ay ka soo qeyb galeen madaxda ugu sareysa dalka, iyo shacab ka kala yimid degmooyinka gobolka banaadir, ayaa ka duwaneyd kuwii hore uga dhici jiray caasimada, waxaana dabaal-dega maanta ka qeyb qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida, iyadoo madasha lagu soo bandhigay gaadiid ciidan iyo Diyaarado helocpter ah oo hawada sare ka soo daadinayey waraaqo ay ku xardhan yihiin hal-ku dhigyo ka turjumaya qiimaha maalinta xoriyada ee kowda luuliyo.

Ciidamada qalabka sida ayaa gaada ka ciyaar ku soo maray inta u dhaxeysa  isgoyska Km4- ilaa  fagaaraha daljirka daahsoon, halkaas oo uu salaan sharaf kaga qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Gaashaandhiga cabdiqaadir Maxamed Nur, oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay munaasabadan uga duwan tahaY kuwii hore, isagoo tilmaamay in ay ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay dooneyso in ay ka xorowdo gumeysiga kooxaha Xagjirka.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa ka hadlay mudnaanta xuska kowda luuliyo, wuxuuna tilmaamay in dhoolatuska ciidan ee Munaasbada lagu soo bandhigay uu  fariin u yahay cid kasta oo Soomaaliya cadow ku ah.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyanada Soomaalyeed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xuska kowda luuliyo 64 sano kadib waxa ay Soomaaliya uga dhigan tahay.

Prof Maxamed Cumar Dalxa waxa uu ka mid ahaa xildhibaanada Barlamankii 100-aad ee Soomaaliya, ayaa Hortabin Media u sheegay in Soomaaliya ay soo kabaneyso.

Dr Axmed Daahir Shaafi oo ka tirsan Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in 64 sano kadib ay Soomaaliya joogto heer ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii daashaday.

Dabaal dega kowda luuliyo ee maanta oo ka duwanaa kuwii hore, ayaa u muuqday mid Soomaaliya ay ku muujineyso cududeeda ciidan, waana mid soo jiitay inta badan shacabkii fagaaraha daljirka daahsoon ku sugnaa. 

Exit mobile version