Thursday, July 4

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Samoei Ruto waxa uu jecel yahay in uu isku magacaabo ninkii badbaadin lahaa dalka.  Laakiin waxaa uu madaxtinimada dalkaasi kula tartamayaa siyaasiga ruug caddaaga ah ee Raila Omolo Odinga oo taageero ka haysta madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Uhuru Kenyatta.

Ruto oo iminka ay da’diisu tahay 55 sano jir ayaa si hagar la’aan ah u sameeyay olole siyaasadeed oo aad looga dareemay dalka oo dhan. Markii uu daaha ka qaaday damaciisa ku aadan hogaanka dalka ayaa waxaa uu ballan qaaday in uu dalka u horseedi doono “horumarka waara” isagoo ballan qaaday in uu dhaqaalaha dalka kasoo dhisi doono hoos waxaana uu sheegay in uu ahmiyadda siin doono qorshe lagu beegsanayo in lagu hormariyo maalgashiga dadka caadiga ah ee Kenyanka ah laguna xoojinayo dhaqaalaha si dalku uu u soo saaro canshuuraha lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaale ee dalka si hor horumar waara loo gaaro.

Taageerayaasha Ruto ayaa aaminsan in qorshihiisu uu yahay xalka kaliya ee lagu soo afjari karo farqiga sii ballaaranaya ee u dhaxeeya dadka maal-qabeenka ah iyo kuwa saboolka ah.

William Ruto iyo Rigathi Gachagua oo ah shaqsiga uu usoo xushay xilka madaxweyne ku-xigeenka ayaa labaduba ah siyaasiyiin ganacsato ah, waxayna ka mid yihiin ragga ugu qanisan Kenya. Waxaa uu markii ugu horeysay siyaasadda soo galay sanadii 1992, waxaana uu lasoo shaqeeyay rag ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Daniel Arab Moi, Uhuru Kenyata iyo Raila Ondinga oo ay hadda is hayaan.

“Waxaan rabaa in aan idiin cadeeyo in aan hirgelin doono dhamaan qorshayaasha noo degsan, waana wax qof waliba oo Kenyan ah uu igula xisaabtami doono haddii aan ku guuleysto madaxtinimada dalka.” ayuu yiri mar uu la hadlayay taagerayaashiisa.

Dadka ka faalooda siyaasadda Kenya ayaa u arka Ruto in uu yahay siyaasi xirfadyahan ah oo saameyn iyo khibrad durugsan u leh hogaaminta dalka maadaama uu la soo shaqeeyay Daniel Arab Moi, Uhuru Kenyata iyo Odinga. Waxaa ay sidoo kale tilmaameen in uu yahay siyaasi garanaya meelaha ay ku liiteen madaxdan uu lasoo shaqeeyay iyo meelaha ay ku wanaagsanaayeen, taas oo ay sheegeen in laga yaabo in dad badani ay ku xushaan sidaasina uu ku noqdo madaxweynaha dalka.

Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinka guud ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in ay dhacaan maalinta beri ah oo ku began 9-ka August, waxaana la rajeynayaa in ay noqon doonto mid ka duwan doorashadii ka horeysay taas oo ay rabshado hareeyeen.

Axmed Dhaqane, Nairobi

Exit mobile version