Saturday, July 6

Madaxweynaha dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamay hadalo mudooyinkii ugu danbeeyey la isla dhex marayey oo sheegayey in dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab uu u furmi doono wada hadal.

Madaxweynaha ayaa warkaasi ku sifeeyey mid aan sal iyo raad lahayn xilli uu ka qeyb galayey munaasabad lagu soo gabagabeynayey toddobaadka xoriyada.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda iyo Al Shabaab iminka waxa ka dhaxeeya ay yihiin qori caaradiis, wuxuuna kalsooni ka muujiyey in ay ka lib keenayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa cod dheer ku sheegay in aysan jirin dad rasmi ah oo ay ka go’do talada Al Shabaab, taas oo sida uu sheegay hor-istaageysa in wada hadal kooxdaasi lala furo.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii shacabka ugu niyad qaboojiyey in dowladda ay la socod siineyso go’aamada masiiriga ah, wuxuuna ku booriyey in aanay rumeysan wararka been abuurka ah.

Exit mobile version