Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Kenya oo soo bandhigtay miisaaniyadii ugu ballaarneyd abid oo ay la socdaan canshuur kordhin ayaa arrintan kala kulmi doonta caqabado aad u xooggan.
Sida Warbaahinta Kenya ay tabineyso Xukuumadda Madaxweyne William Ruto ayaa diyaarisay miisaaniyad afar tiriliyan oo shilin ah, oo u dhiganta ($31.1 bilyan) sanadka 2024/25, taasi oo ka badan 3.75 trillion oo shilin oo bishii June ee sanadkii tegay loo ansixiyey sanad miisaaniyadeedkan.
Xukuumadda Ruto ayaa ku dooday in Hindise-sharciyeedkan uu yahay mid lagama maarmaan ah oo lagu dhimayo ku-tiirsanaanta daynta, waxaana arrintaasi aad u canbaareeyey siyaasiyiinta, Kenya ka shaqeeya iyo kooxaha ganacsiga oo dhaliil xooggan u soo jeediyey Ruto.
Hindise Sharciyeedkan ayaa soo jeedinaya in in tiro Canshuur kordhin ah lagu soo rogo adeegyada maaliyadeed, kuwa wax soo-saarka iyo qaybaha ganacsiga, taas oo xaalad adag dalkaasi u horseedi karta
Arrinta muranka ugu badan uu ka taagan yahay ayaa ah, billaabista canshuurta gaadiidka oo laga dhigayo 2.5% qiimaha baabuurka, iyo dib u billaabida canshuurta rootiga, waana arrinta sida aadka ah ay iskula dhex marayaan dadka Kenyanka ah.
Shacabka iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda arrinta ayaa dowladda uga digay in ay qaado tallaabadan, taas oo ay sheegeen in ay culeyska ku sii kordhin doonto dadka markii horeba la halgamayay nolol maalmeedka.
Qiimaha nolosha ayaa Sare u kacday Kenya sanadkii hore, markii la sameeyey canshuur kordhinta, waxaana arrintaasi ka dhashay dibadbaxyo waa weyn, oo markii danbe noqday kuwo rabshado wata, isla markaana galaaftay nolosha dad Kenyaan ah, kadib isku dhacyo dhex maray dibadbaxayaasha iyo Booliska dalkaasi.
Dalka Kenya ayaa lagu tiriyaa dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan Bariga Afrika, hase ahaatee saddex meelood meel, 51.5 ka milyan ee qof ee dalka ku nool ayaa ku jira saboolnimo, sida ay warbixinada caalamiga ah sheegayaan.
Si kastaba Dowladda Kenya waxey sheegtay inuu kobci doono dhaqaalaha dalkooda hadii hindisahan la hirgaliyo, wuxuuna gaari doonaa 5.2 boqolkiiba inta u dhaxaysa 2024 iyo 2026, iyadoo ay xusid mudan tahay in kal hore Bankiga Adduunka uu sheegay inuu sare u kacay kobaca wax-soo-saarka dhabta ah ee Kenya.